Saraakiil Soomaali ah, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay, inay la dilay 12 kamid ah ciidamada AMISOM kuwa u dhashay dalka Burundi, kuwaasoo hawlgal ay kasoo laabteen kadib mararay jidka u dhexeeya magaalada Jawhar iyo Muqdisho.

 

Weerarkan ayaa dhacay maalintii Sabtida ahayd, kaasoo kooxda Alshabaab ay sheegteen inay ku dileen tiro ka badan 14 askari oo kamid ah kuwa Burundi, halka ay dhaawaceen qaar kaloo badan.

 

Wakaaladda wararka AFP, ayaa wax ka waydiiyay weerarkan saraakiil ka tirsan kuwa dalka Burundi, kuwaasoo u xaqiijyay inuu dhacay weerarku, balse may sheegin faahfaahin dheeraad ah.

 

Wixii warar kasoo kordha kala soco Saab TV, waa meesha kuugu dhow, ee aad ka heli karto warar xaqiiqada ku salaysan

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga