Wararka ka imanaaya magaalada Buqaqable, oo ka tirsan gobolka Hiiraan, islmarkaana ay gacanta ku hayaan ururka Al-shabaab, ayaa sheegaya in fagaare ku yaalla magaaladaas ay saaka Al-shabaab ku toogteen illaa saddex qof oo ay ku eedeeyeen in ay gacan-saar la leeyihiin ciidamada dawladda iydoo dadka degaanku ay sheegeen in dadkaas laga soo afduubay Ceel-cali, halkaas oo maalmo ka hor lagu dilay sargaal ka tirsan Al-shabaab.

Dilka sarkaalka Shabaabka katirsan, ayaa keentay in ay dadkan soo qabtaan Al-shabaabku kadibana ay toogtaan. Warbaahinta Al-shabaab, ayaa sheegtay in ay dawladda xidhiidh la lahaayeen dadka ay dileen oo ahaa saddex rag ah

Dadka deegaanka ayaase iyagu sheegay inay dadka la toogtay ahaayeen dad shacab ah.

Ma aha markii ugu horraysay ee ay toogsho noocan oo kale ah Al-shabaab ka sameeyaan deegaanno katirsan gobolka Hiiraan sida uu kusoo warramayo weriyaha Saab TV.

Kala soco wararkii ugu dambeeyay Saab TV, Waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto warar xaqiiqada ku sal leh.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga