Wararka ka imanaya Gobolka Baay ayaa sheegaya in diyaarad sidday sahay gargaar maanta lagu rasaaseeyey degaanka Qansaxdheere xilli ay degaysay, sida ay qortay idaacadda codka Marykanku oo soo xiganaysa ilo wareedyo ku sugan deegaankaas.

Wararka, ayaa intaasi ku daraya in Diyaaradda ayay ku dhacday rasaas fudud, isla markaana ay diyaaraddu ay markii dambe kasoo kacday Qansaxdheere isla markaana ay kusoo laabatay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ilaa hadda ma cadda sida ay wax u dhaceen, balse mid kamid ah saraakiisha maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya, ayaa waxaa uu u sheegay idaacadda VOA in loo malaynayo kooxda Alshabaab inay diyaaradda ku fureen rasaastaas.

Dhacdada maanta ka dhacday Qansax dheere, ayaa imaneysa  iyadoo 4-tii bishan diyaarad lagu soo riday magaalada Bardaale ee isla gobolka Baay. Diyaaraddaas ayaa qoraal kasoo Taliska ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya, lagu sheegay inay soo rideen ciidamada Itoobiya, kuwaas oo aan qayb ka ahayn hawlgalka AMISOM.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga