Shirkadda facebook oo iska leh barta ay bulshadu farimaha isku dhaafsato ee loo yaqaano whatsap ayaa qirtay in loo dhacay akoonada kumanaan qof oo isticmaala app-ka adeegan, oo dunida si wayn looga isticmaalo.

Shirkadda ayaa xustay in kuwii weerarka ku qaaday adeegu, ay awood u yeesheen in ay dhexgalaan moobilada dad badan oo ay walaxda khalkhalka keenta ee virus-ka kaga tageen. Waxay intaa ku dartay in la bartilmaameedsaday dad gaar ah.

Dadka ka danbeeyay weerarkan, ayaa la sheegay in ay isticmaalayeen farsamooyin heer sare ah, oo u saamaxay in ay u dhacaan macluumaadka dad badan. Saxafiyiin, qareeno iyo dad u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa ku jiray dadka la beegsaday, sida ay xoguhu tilmaamayaan.

Adeega fariimaha la iskugu diro ee whatsap, ayuu isticmaalkiisu batay sanadihii lasoo dhaafay. Wax la sameeyay sanadkii 2009-kii, waxaana dadka isticmaala lagu qiyaasaa 1.5 biilion oo qof oo ku sugan guud ahaan wadamada caalamka.

Adeega whatsap ayaa dadka isticmaala u diray fariimo uu ugu sheegayo in ay dib u cusboonaysiiyaan app-ka ama barta ay ka isticmalaan adeega. Si ay u yaraato suurtagalnimada in loo dhaco akoonadooda.

Ma aha markii ugu horeysay ee shirkadda facebook ay qirato weeraro lagu jabsaday akoonada qaar ka mid ah dadka isticmaala adeegyadeeda, xili horumar laga samaynayo arimaha tiknoolajiyada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga