Kooxda Ahlu Sunna ee maalmahan dagaalku uu ka dhexeeyay ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa ka baxday gudaha magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ciidamadeeda ay ka saartay.

Deegaanka Godwiil ee waqooyiga magaalada Guriceel ayay degeen ciidamada Ahlu Sunna ee ka baxay Guriceel, iyagoo saaka hiirtii hore bilaabay bixitaankooda gudaha magaalada.

Go’aanka ay ku baxeen ciidamada Ahlu Sunna ayaa yimi kadib dedaalo waan waan iyo heshiisiin ah oo ay wadeen dadka deegaanku, kuwaas oo illaa xalay iyo shalay kasocday Guriceel.

Dagaalka Guriceel ayaa socday afartii maalmood ee lasoo dhaafay iyadoo dhimashadu kor u dhaaftay 120 qof halka boqolaal kalana lagu dhaawacay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga