Dagaal Culus Oo Soo Gaadhay Saaka Aroortii Ayaa Xalay Ka Dhacay Dalka Afganstan Kadib Markii Ay Xalay Weerar Culus Qaadeen Maleeshiyo Ka Tirsan Taliban.

Amanullah Kamrani Oo Ka Tirsan Golaha Deegaanka Magaalada Ghazni Ayaa Sheegay In Dagaalka Uu Billaabmay Kadib Marki Ay Taliban Weerartay Xafiiska Guddoomiyaha Iyo Xarunta Looga Taliyo Ciidanka Amniga Ee Gobolkaasi.

Taliyaha Booliska Ghazni Jeneral Farid Mashal Ayaa Sheegay In Ay Dib U Riixeen Kooxihii Soo Weeraray Kadib Marki Ay Gacan Ka Heleen Ciidamada Sida Gaarka Ah U Tababaran Ee Dowlada Afghanstan.

Milatariga Mareykanka Ayaa Sheegay In Ay Ciidanka Afganstan Ka Caawiyeen Dhinaca Cirka Oo Dagaalka Uga Qeyb Galeen Duqeymo Cirka Ah. Weerarka Taliban Ay Ku Qaadeen Magaalada Ayuu Milatariga Mareykanka Ku Tilmaamay Isku Day Kale Oo Fashilmay.

Ghanzi Ayaa Ah Magaalo 150 Km Dhinaca Waqooyi Galbeed Kaga Beegan Caasimada Kabul.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga