Saddex qarax oo kala duwan ayaa ka dhacay caasimada waddanka Afghanistan ee Kabul.

Qaraxyada ka dhacay Kabul, ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan shan qof, halka laba kalena lagu dhaawacay iyadoo ay sii kordhayaan rabshadaha ka socda waddankaasi ay colaaduhu halakeeyeen.

Afhayeenka booliska magaalada Kabul Ferdaws Faramarz, waxaa uu warbaahinta u sheegay in labadii qarax ee hore ay ay u dhaxaysay muddada ay dhaceen 15 daqiiqo oo keliya, halka ka sedexaad oo lala beegsaday gaadhi ay boolisku lahaayeen uu isna dhacay laba saacadood kadib.

Illaa haatan ma jirto cid sheegatay markiiba masuuliyadda qaraxyadaasi ka dhacay Afgaanistaan, lamana oga waxa ay dhab ahaantii ka koobnaayeen qaraxyadu. Weeraradii ugu badnaa ayaa ka dhacay caasimada bilihii la soo dhaafay, kuwaas oo ahaa bambooyin birlabo leh, isla markaana baabuurta intoo lagu nabo lagu qarxinayay, iyadoo meel dheer laga soo hagayo amaba qarxayay muddada loo muddeeyay. 

Wararku waxay sheegayaan in qaraxa labaad lala beegsaday baabuur marayay xaafada waqooyi-galbeed ee magaalada Kaabuul, kaasi oo ay ku safrayeen askarta ciidanka qaranku, halkaas oo ay ku dhinteen laba askari. Sidoo kale isna qof rayid ah oo wadada maraayay ayaa isna la dilay.

Qaraxa saddexaad ayaa burburiyey gaadhi booliisku ay wateen galbeedka Kabul, waxaana ku dhintey laba sarkaal oo booliis ah.

Dhanka kale, qaraxii koowaad ayaa lala eegtay baabuur ay saarnaayeen dad shacab ah waxaana ku dhaawacmay labada qof ee la socday gaariga.

Booliska Kabul ayaa sheegay in baadhitaano wadaan kuwaas oo hadda socda.

Afgaanistaan ​​waxaa ku soo kordhay qaraxyo, dilal qorsheysan iyo rabshado ka dhacay goobta dagaalka iyadoo ay weli socdaan wada hadallo u dhexeeya Daalibaan iyo dawladda dalkaasi.

ISIS ayaa sheegata falal ka dhacay dalkaasi, inkasta oo dawladdu ku eedayso Daalibaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga