Myanmar waxa la wareegay ciidamada milatariga ee dalkaas iyagoo xidhay waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Nay Pyi Taw.

Milatariga dalkan dhaca koonfurta bari ee qaaradda Asia ayaa qabsaday talada dalka, kadib af-genbi ka dhan dawladda sida dimuqraadiga ah loosoo doortay ee ay hor kacayso An San Sun Yi, gabadha haysata biladda nabadda dunida ee Nopel Prize.

Subaxdii hore e saaka ayaa la xidhay An iyo saraakiil kale oo ka tirsan dawladdeeda, sida lagu sheegay war kasoo baxay milatariga dalkaas.

War kasoo baxay milatariga ayaa lagu xusay in ciidamadu ay tallaabadan u qaadeen si ay wax uga qabtaan boob doorasho oo la sameeyay.

Waxay ku dhawaaqeen in dalku uu galayo xaalad degdeg ah isla markaana muddo sanad ah u dalka u talin doono hogaamiyaha milatariga ee dalkaas.

Telefishan ku hadlayay afka milatariga ayaa baahiyay wararka af-genbiga iyo milatariga dawladda inqilaabayba.

Xisbiga ay kasoo jeedo haweenayda la inqilaabay ayaa lagasoo xigtay in An San Su Yi ay dadka ka dalbanayso in ay diidaan xukunka milatariga isla markaana dibad-baxyo ay iskugu yimaadaan.

Khadadka telfanada iyo internetka ayaa la jaray meelo badan oo magaalada caasimadda ahi ay ku jirto.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga