Abiy Axmed, raysawasaaraha Itoobiya oo markii ugu horeysay rabshadahan ka hadlay ayaa ka digay in ay sii fidaan, isagoo ku hanjabay in ay sharciga hor keeni doonaan cidii ka danbeysay.

Ilaa 67 qof ayaa lagu dilay dibadbaxyada oo rabshado watay todobaadkii lasoo dhaafay.

Dibadbaxyada aya hadheeyay magaalaad caasimadda ah ee Addis iyo qaybo badan oo ka mid ah dhulka oromada waxaana ay salka ku hayaan cadho ka dhalatay nin u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanha oo sheegay in ciidamadu ay wadaan falal ka dhan ah.

Jawar Mohamed oo ah ninka ay rabshaduhu ka bilaameen, ayaa hormuud ka ahaa mudaharaadadii uu Abiy xafiiska ku yimi, balse imika wuxuu cambaareeyay qaar ka mid ah siyaasadaha raysalwsaaraha. Wuxuu taageero xoogan ku haystaa gobolka Oromada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga