Abbaandulaha koowaad ee ciidamada qaranka Somaliland sarreeye guuto Cabdirisaaq Siciid Bullaale, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta miiska saarkiisha ee magaalada Hargeysa, kaga jawaabay hadal uu sheegay inuu hore uga soo yeedhay taliyaha ciidamada Puntland, kaasoo ka hadlay magaalada Badhan.

Abbaandulaha oo hadlayay ayaa yidhi: ‘’Waxaannu ka jawaabaynaa hadalladii deelqaafka ahaa ee uu taliyaha ciidanka Puntland bisha shanteedii Badhan kaga hadlay, oo ahaa inuu Somaliland ku tilmaamay Alshabaab, taa haddii aan ka jawaabo, caalamku waa ogyahay ummadda reer Somaliland inaanay Alshabaab iyo budhacad badeed deegaan ku lahayn xidhiidhna la lahayn oo ay isku meel uga soo wada jeedaan, kana caagan yihiin, balse taliyaha waxaan odhan lahaa hoos u eeg deegaankaaga, inta goobood ee ay ku leeyihiin, iyo ciidanka aad xukunto inta ay u jiraan.

Abbaandulaha ayaa taliyaha u sheegay in hortii jireba uu ku daalay xuduudo isir ku dhisan waa sida uu u dhigay hadalka e, isagoona shacabka reer Badhan u diray farriin ahayd inaanay u dhego nuglaan dadka dagaallada iclaaminaya, isagoo sheegay inaanu iyaga dagaal xiiso u hayn oo ay colaadda iyo dhibteeda garanayaan.

Abbaandulaha ayaa hadal adag kula hadlay taliyaha Puntland, isagoona hadalkiisa bulshada gobolladaas ugu soo gebagabeeyay maahmaahda tidhaa ‘’Nimaan kuu furi doonini yaanu kuu rarin’’

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga