Qaramada Midoobay waxay mar kale ka digaysaa abaaraha ka jira qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya, iyadoo shacab badan oo Soomaaliyeed ay wajahayaan abaaro isku bedeli kara macaluul.

Imika, in ka badan 2 million oo Soomaali ah ayay haysataa cunto yaraan iyo biyaha oo gabaabsi ah ama helitaankoodu uu adagyahay, sida ay muujinayso xog ururinta Qaramada Midoobay.

80% shacabka Soomaaliya ayay saamayn xun ku yeelan kartaa abaartu, iyadoo imika in ka badan 100,000 oo qof ay ka qaxeen deegaanadooda si ay u raadsadaan cunto iyo biyo si ay u nolaadaan.

Qaramada Midoobay iyo dawladda Soomaaliya waxay labaduba ka dalbanayaan hay’adaha iyo wadamada deeq bixiyayasha loo yaqaano in xaaladdan taagan wax laga qabto, inta aanay faraha ka bixin.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga