Gobolada kala duwan ee Itoobiya ayaa kumanaan milatari ah ugu deeqay ciidamada federaalka si la iskaga caabiyo duullaanka jabhadda TPLF ay hor kacayso.

Gobolada Oromada, Sidama iyo Axmaarada ayaa imika keenay ciidamo ay Abiy Axmed ku xoojinayaan.

Sidoo kale madaxweynaha gobolka Soomaalida ee Itoobiya ayaa si adag uga hadlay dagaalka Tigray. Mustafe Cagjar, wuxuu TPLF ku tilmaamay argagixiso doonaysa inay dumiso dawladda dhexe ee Itoobiya, isla markaana ay xasuuq hore uga gaysteen gudaha gobolka Soomaalida ee Itoobiya.

Gobolada Itoobiya ayaa u muuqda kuwo ka midaysan in ka jabiyo TPLF, iyadoo dadka wax falanqeeyaa ay sabab uga dhigayaan in xiligii ay Tigraygu xukumayeen Itoobiya ay tacadiyo ka gaysteen dhammaan deegaanada Itoobiya, lacago badanna lunsadeen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga