Aasaasayaasha shirkadda Google ayaa ka tagaya jagooyinka ugu sareeya ee shirkadda ay Google hoos tagto ee Alphabet, balse waxay kasii mid ahaaan doonaan gudida sare ee shirkadda, sida lagu sheegay war ay soo saareen.

Larry Page iyo Sergey Brin ayaa ka tagaya jagooyinka madaxweynaha iyo maamulaha guud ee shirkadda Alphabet oo maamusha Google, sila markaana la aasaasay sanadkii 2015-kii. Shirkaddu waxay ay hagtaa Google oo iyadana ay aasaaseen sanadkii 1998-kii.

Labadan nin oo isku da’ ah isla markaana imika jira 46-sanno ayaa war ay soo saareen ku sheegay in madaxa shirkadda Google uu bedeli doono jagooyinkooda iyadoo hadda wixii ka danbeeya uu noqon doono maamulaha guud ee shirkadda Alphabet.

Waxa ay intaa ku dareen in la joogo wakhtigii ay fursad siin lahaayeen dadka kale, isla markaana ay iyagu u jeedsan lahaayeen hal-abuur cusub iyo in ay tijaabiyaan maamulka dadka kartida leh.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga