Xafladda arooska Julian Assange aasaasaha shabakadda caan baxday ee siraha faafisa ee loo yaqaano Wikileaks ayaa ka dhacay gudaha xabsiga sida wayn loo ilaaliyo ee Belmarsh, duleedka magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska.

Julian Assange oo si wayn ay u raadinayso dawladda Maraykanku wuxuu helay fasaxa uu arooskiisa ku qabsanayo, wuxuuna guursaday gabadh ay sanado badan wada socdeen oo lagu magacaabo Stella Moris, una dhalatay Koonfur Afrika balse asal ahaan kasoo jeeda Ingiriiska.

Waxa goob joog ka ahaa arooska afar qof oo la casuumay, laba markhaati iyo laba ilaalo ah.

Wikileaks waa shabakad siraha dawladaha faafisa waxaana Maraykanka laf dhuun gashay ku noqotay dhukumantiyo kumanaan agadhaya oo laga faafiyay dagaalka uu ku qaaday Afkaanistaan, Ciraaq iyo emelo kale.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga