Koonfur Afrika waxay aas-qaran u samaynaysaa Desmond Tutu, kaas oo door muuqda kasoo qaatay kacdoonkii midab kala sooc ee aan rabshadda ku dhisnayn.
Tutu ayaa ahaa, dadka ugu caansan ee K. Afrika kasoo jeeda, waxaanu hore ugu guulaystay abaal-marinta nabadda caalamiga ah ee Nobel.
Dadka reer Koonfur Afrika waxay ku tilmaameen inuu ahaa halyeey, iyagoo ubaxyo kusii macasalaamayeey. Baadarigan ayaa hore u soo hoggaamiyay guddidii runta iyo dibu-heshiisiinta koonfur Afrika, taas oo la sameeyay markii Nelson Mandela, uu noqday madaxwaynihii ugu horreeyay ee madow ah dalka K. Afrika.
Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV, isha xogta laga helo.
Edit
1

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga