Dhimashada caabqua ayaa sii korodhay iyadoo heer halis ah oo aan la saadaalin karin waxa xigi doona ay marayso.

Maalintii Axadda oo kaliya waxa viruska u dhintay dad gaadhaya 97 qof, waana maalintii ugu dhimashada badnayd intii uu caabuqu socday todobaadadii lasoo dhaafay.

Arintan ayaa argagax galinaysa saaraakiisha caafimaadka, iyo madaxda dawladda oo wali dedaalo aan kala go’ lahayn ugu jira sidii loo heli lahaa tallaalka caabuqa. Saynisyahanda caafimaadka ayaa wali la’ haybta dhabta ah ee virus-kan cusub, oo ay tahay markii ugu horeysay ee lagu arko dunida.

Gudaha Shiinaha dad ka abdan 40,000 oo qof ayuu soo ritay caabuqu, waxaana la baadhayaa dad kor u dhaafaya 180,000 oo qof. Waa xaalad khatar badan marka la eego torada dadka oo sii kordhaysa.

Dunida aya heegan ugu jirta sidii ay uga hor tagi lahayd in uu xanuunku kusii fido wadamo kale, balse gudaha Shiinaha ayay xakamayntu u muuqataa mid aan suurtagal ahayn.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga