Ciidamada Soomaaliya waxay sheegteen in alShabaab laga dilay 90 dagaalame, kadib duqaymo kooxda lala beegsaday.

Waa duqaymo ka dhacay badhtamaha Soomaaliya, gobolka Mudug, halkaas oo bilihii lasoo dhaafay xuddun u noqotay dagaalo culus oo dhex maray ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa alShabaab oo weeraro ku bilaabay xeryaha ciidamada.

“Maanta dagaalamayaasha alShabaab waxay isku dayeen in ay weeraraan deegaanka Camaara, waxayna la kulmeen guul darro wayn. Galinkii danbe waxaanu qaadnay weerar dhanka cirka ahaa, waxaana la dilay 90 ka tirsan argagixisada” ayaa lagu yidhi war kasoo baxay ciidamada xooga Soomaaliya.

Weli lama oga cidda duqaynta qaaday ama dawladda ay ahayd, balse ciidamada Soomaaliya ayaa kusoo koobay in ay ahaayeen saxiibadeeda ay xulafada yihiin.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga