Warbaahinta dawladda Iran ayaa ku warantay in ay gantaaladii ay xalay Iran ku weerartay saldhigyada Maraykanka ee Ciraaq ay ku dileen in ka badan 80 ka mid ah ciidamada Maraykanka ee ku sugnaa xeryaha.

Wali ma jirto cid kale oo caddayn karta sheegashada Iran, coli Maraykanku uu sheegay in uu khasaarihiisa wali qiimaynayo.

Iran waxay sheeganaysaa in ay illaa 15 gantaal ku weerartay laba ka mid ah saldhigyada Maraykanka, isla markaana aanu hal gantaal khasaarin ama la iska caabin.

Wararka ayaa iska daba imanaya, wixii soo kordhana kala soco SAABTV.COM.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga