Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, ayaa qoraal ay soo saartay waxay ay ku sheegtay in 48-kii saacadood gudaha Soomaaliya laga helay 73 Kiis oo ah xanuunka Coronavirus.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda ayaa u dhignaa sidan:

”Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Dr. @Fawziya Abikar Nur ayaa ka warbixiyay xaaladaha cusub ee ka soo kordhay caabuqa #COVID19. Wasiirka waxay xaqiijisay maanta 73 xaaladood oo COVID-19 ah.

Maamulka Puntland ayaa laga xaqiijiyay 25 xaaladood, Maamulka Somaliland 19 xaaladood, Maamulka Gobolka Banaadir 17 xaaladood, iyo Maamulka Koonfur Galbeed oo laga xaqiijiyay 12 xaaladood.

Wadarta guud ee xaaladaha cusub ayaa noqoneyso 1,357 xaaladood, waxaana geeriyooday 2 bukaan halka ay bogsootay 13 bukaan.

Wasiirka ayaa bulshada u cadeysay in ay lagama maarmaan tahay in lagu dadaalo xakameenta caabuqaan sii baahayo loona baahanyahay in la raaco talooyinka cafimaadka lagama maarmaanka ah ee looga hortagi karo caabuqa #COVID19, waxeyna ku boorisay in dhammaan bulshada ay isticmaalaan af-xir iyo gacmaha oo si joogta ah loo dhaqdo”.

Wararkii ugu dambeeyay kala Soco Saab TV waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto warar xaqiiqada ku sal leh.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga