Bangiga Adduunka ayaa ka digay faqri daran oo soo food saara dad gaadhaya 60 million oo qof oo guud ahaan dunida ku dhaqan. Arintan ayuu u sababaynayaa saamaynta xanuunka Covid-19, oo dunida oo dhan gaadhay.

David Malpass, madaxweynaha Bangiga Adduunka, ayaa sheegay in ay saadaalinayaan in dhaqaalaha guud ee caalamku uu hoos u dhaco 5% sanadkan, iyadoo dawladuhu ay isku dayayaan in ay yareeyaan saamaynta dhaqaale ee xanuunku uu ka tagayo.

Malaayiin qof ayaa caalamka waayay shaqooyinkoodii, iyadoo wadamada dadka badan ee faqiirka ahi ay ku noolyihiina ay xaaladu kusii xumaanayso sida dalka India oo dadku ay qarka u saaranyihiin in gaajo ay u dhintaan.

Marka la eego qiimaynta Bangiga Adduunka, faqriga daran waxa lagu sheegaa marka qofku uu ku noolyahay wax ka yar 1.9 dollar maalinta oo dhan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga