Maalinta Salaasada, 6 November 2018, Dadweynaha reer Maraykan waxay u dareeri doonan Goobaha Codbixinta si ay uga qayb galaan doorashada wakhtiga dhexe (Mid-term) ee dalka Maraykanka.

Doorashadan waxa lagu soo dooran doona 35 Xubnood oo aqalka Saree e (Senate)ka , dhamaan xubnaha Aqalka wakiilada oo dhan 435 xubnood , Gudoomiyayaasha 36 Gobol oo kamid ah Gobolada Dalka iyo xubno badan oo ah dawladaha hoose.

Doorashadan ayaa warbaahinta dalka Maraykanka iyo taa calamiga ah ba aad isha ugu hayaan, uguna yeedhen inay tahay mid u dhiganta Afti loo qaadayo hogaaminta Madaxweynaha Dalkaasi Donald Trump oo dadka siyaasadiihisa ka soo horjeeda mudadii 2 sano ahayd ee uu joogay aad u kordheen.

Doorashadan ayaa muhiimad weyn u leh labada Xisbi ee dalka Maraynkana ugu weyn inta badan ku loolama tala dalka iyo hogaaminta labada aqal ee Congress ka waa xisbiyada Dimuqraadiga (Democrat ) iyo Xisbiga Jamhuuriga (Republican)

Doorashadan hadii looga adkaado Xisbiga talada haya ee Jamhuuriga ( Republican) waxay wiiqi doonta awooda Madaweynaha taas oo xadidi doonta inu fuliyo siyasadiihisa, isla markaan ku adkayn doonta inu taageero ka helo Aqalka Wakiilada.

Sida ay qorayaan warbaahinta faalaysa codadka , waxay sheegayan inay u dhawdahay in Xisbiga Dimuqraadigu ku guulaysto aqlabiyada Aqalka Hoose ee Wakiilada, halka xisbiga Jamhuuriga la filaayo inu ilaashado aqlabiyadii yar ee uu ku hogaamiya aqalka sare Senate

Aqalka sare Senate ka ayaa waxa uu ka kooban yahay 100 Xildhibaan oo la doorto mud 6 sano ah, waxaan 2 sano ee kasta doorasho gala 33 xubnood oo kamid ah, Sanadkan ayaa waxa doorashada galaaya 35 xubnood kuwaaso u badan xisbiga Dimuqraadiga, taas ayaa kentay inu xisbiga Jamhuurigu helo fursad uu ku ilaashan karo aqlabiyada.

Laga soo bilaabo sanadkii 2014 waxa labada aqalba ee Congress ka aqlabiyadooda haysta Xisbiga Madaxweyne Trump ee Jamhuuriga, lakiin waxa la fulaya in Xisbiga Dimuqraadigu uu sanadkan ka adkaan doono Doorashadan Aqalka Hoose loo yahaqo House of Representatives taas oo awood weyn siin doonta Dimuqraadiyintu inay hor istaagan siyaasadaha Trump.

Doorashada dhexe ee wadanka Maraynkan ayaanay inta badan dadku si baaladhan uga qayb qaadan marka la dhinac dhigo Doorashada Madaxweynaha , siday tusayaan xogaha doorashooyinku,

Doorashada Madaxweynaha waxa codeeya dad lagu qiyaaso 60% Codbixiyayasha , halka doorashadan dhexe ay codeeyan 40% codbixiyayaashu, sanadkan waxa la sadaalinay in usoo bixida doorashadu kor u kacdo taaso oo lagu sababaynayo dad badan oo ka soo horjeeda siyaasadaha Madaxweyne Trump doonayana inay wiiqan awooda xisbigiisa,

Taariikh ahaan markasta oo u yaraado xadiga dadka u soo baxa doorashada waxa ay faa ido u ahaan jirtay xisbiga Jamhuuriga ,

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga