Illaa 50 qof ayaa lagu dilay weeraro kala duwan oo ka dhacay dalka ku yaala galbeedka qaaradda Afrika ee Burkina Faso.

10 qof ayaa lagu dilay weerar lala beegsaday kolanyo gargaar siday, sida ay dawladdu xaqiijisay.

Dawladda ayaa intaa ku dartay in deegaan ku yaala waqooyiga dalka uu weerarku ka dhacay. Suuq xoolaha lagu iibiyo oo ku yaala bariga Burkina Faso ayaa sidoo kale lagu dilay 25 qof.

Xukuumadda Ouagadougou ayaa kooxo hubaysan ku canaanatay weerarada, iyadoo ay sii kordhayaan weerarada googooska ah ee dadka badan lagu laayo gudaha dalkaas.

Ma jirto koox sheegatay masuuliyadda weerarada.

Boqolaal qof ayaa sanadkii hore lagu dilay dalkan ku yaala gobolka Sahel, iyadoo dad ka abdan nus milyan qof ay ku barakaceen rabshado iyo colaado isir iyo diin ku salaysan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga