4 qof ayaa dhintay waxaana la xidhay 52 kadib markii taageereyaasha madaxwayne Trump ay xoog ku galeen dhismaha Capitol, bartaasi oo la filayay in mudaneyaasha Congress-ka Maraykanku ku ansixiyaan madaxwaynenimada Joe Biden.

Xildhibaannada aqalka ayaa lala cararay, iyadoo la geliyay qolal ay ammaan ku dareemi karaan, waxaana baraha bulshada lagu baahiyay sawirrada iyo muuqaallo muujinaya, kooxda taageersan Trump oo xoog ku galay dhismaha isla markaana ay boolisku la tacaalayaan.

Wararka ka imanay Wanshington waxay sheegayaan, in Maayirka magaaladaasi uu kusoo rogay magaalada xaalad-degdeg ah, iyadoo sidoo kale lagu soo rogay bandow.

Trump wuxuu taageeryaashiisa ugu baaqay inay isdejiyaan, welina waxaa kacsan xaaladda dalka Maryakanka.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga