Magaalada qaza ayay ka jirtaa xaalad feejignaan ahi kadib markii weerar is qarxin ahaa lagu dilay saddex ka mid ah booliska Falastiin.

Ciidamada la laayay ayaa ku sugnaa bar koontarool oo lagu baadho gawaadhida. Iyadoo halkaa lala eegtay laba qarax, sida ay ku warantay wasaaradda arimaha gudaha ee qaybta ay uu maamulo ururka Xamaas.
Afhayeen u dalay ururka ayaa xusay in ay ku raad-joogaan kuwii ka danbeeyay weerarka, isagoo aan bixin wax tafaasiil kale oo dheeraad ah.

Deegaanada ay maamusho kooxda Xamaas ayaan ahayn qaar lagu yaqaano weerarada is-qarxinta ah ee ka dhanka ah isla ururka.

Ismail haniya madaxa kooxda xamas ayaa dhankiisa isaguna cambaareeyay weeraradan oo mudo nususaac ahi ay u kala dhaxaysay.

Ururka xamaas ayaa tan iyo sanadkii 2007-dii gacanta ku hayay magaalada Qaza, oo ay dagaal ugala wareegeen ciidanka dawladda uu hogaamiyo madaxweyne Maxamuud Cabbaas. Waxa jira kooxo gudaha ku sugan oo kasoo hor-jeeda maamulka Xamaas, isla markaana gacan saar la leh kooxaha alQaacida iyo Daacish.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga