Allah ha u naxariistee saddex qof, ayaa ku geeryooday shil-baabuur oo ka dhacay buurta Sheekh halka ay ku dhaawacmeen todoba qof oo kale.

Baabuurka, ayaa ahaa nooca basaska yaryar, kuwaas oo isaga kala goosha magaalooyinka Somaliland iyo maamulka Puntland, iyadoo ay wararku sheegayaan in baaburkani ka yimi magaalada Boosaaso kuna sii jeeday Hargeysa.

Masuuliyiinta, bahda Caafimaadka iyo laamaha ammaanka heer degmo waa degmada Sheekh’e iyo gobolka Saaxil, ayaa gurmad u fidiyay dadka dhaawacmay, iyadoo loo soo qaaday magaalada Berbera, halkaasi oo maydadkiina lagu riday tallaagadaha cisbitaalka.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga