Dab xoogan ayaa qabsaday dhismaha Baarlamanka ee dalka Koonfur Afrika, iyadoo la arkayay qiiq qabsaday qaybo ka mid ah dhismaha baarlamanka.

Tobanaan ka mid ah dab damiyayaasha magaalada Cape Town ayaa la geeyay dhismaha baarlamanka iyagoo isku dayaya in ay xakameeyaan dabka oo saqafka sare ee dhismaha haysta.

Ma jirto illaa imika xog laga hayo waxa sababay dabkan dhismaha baarlamanka Koonfur Afrika, balse booliska iyo kooxaha kale ee baadhitaanka ayaa sheegay in ay bilaabayaan baadhitaan ku aadan sababta dabkan.

Waa saacado kadib markii maydka halgamaagii Koonfur Afrika, Desmond Tutu, laga qaaday meel wax yar u jirta dhismaha baarlamanka.

Dabka ayaa gaadhay qaybo badan oo ka mid ah dhismaha, sida goobta ay fadhiistaan xildhibaanada baarlamanka iyo qaybo badan oo ka mid ah xaga sare ee dhismaha, sida ay xaqiijiyeen maamulka magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga