Maraykanka ayaa walaac xoogan ka muujiyay tijaabooyinka is daba jooga ah ee dawladda Shiinaha ee gantaalaha xawaaraha sare ku socda ama hypersonic loo yaqaano.

Jeneraalka ugu sarreeya ciidamada Maraykanka ayaa war kan sheegay isagoo barbar dhigay tallabooyinka Shiinaha satellite-yadii uu Midawga Soofiyeeti u diray hawada oo kiciyay tartan dhanka hubka ah wakhtigii dagaalkii qaboobaa ee dunida.

Shiinaha ayaa beeniyay in uu tijaabiyay wax gantaalo ah oo nooca ugu dheereeya dunida ah, taas bedelkeedana wuxuu xusay in ay ahayd dayax gacmeedyo uu hawada u diray.

Intii lagu jiray xagaaga ayay milatariga Maraykanku ku warameen in Shiinuhu tijaabiyay laba gantaal oo awoood u leh in ay xambaaraan hubka nukliyeerka, kuwaas oo ay ku tilmaameen qaar awood u leh in ay ka gudbaan difaac kasta oo hawada Maraykanka ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga