Olusegun Obasanjo, wuxuu noqonayaa ergeyga cusub ee gaarka ah ee Midawga Afrika u qaabilsan Geeska Afrika, isagoo qabanaya jago cusub. Waa madaxweyinihii hore ee dalka Nigeia.

Midawga Afrika ayaa Obasanjo u gartay in uu hogaamiyo dedaalada xasilinta, dhexdhexaadinta iyto hawlaha kale ee Midawga Afrika uu ka wado Geeska Afrika.

“Go’aankani wuxuu qayb ka yahay dedaalada Midawga Afrika ugu jiro nabadda, ammaanka, xasiloonida, iyo wada hadalada siyaasadeed ee gobolka Geeska Afrika” ayaa lagu yidhi war kasoo baxay gudoomiyaha Midawga Afrika, Musa Faki Maxamed.

Gudoomiyaha Midawga Afrika wuxuu uga mahad celiyay madaxwyenihii hore ee Nigeria sida uu uga aqbalay soo jeedinta loogu sheegay in uu jagadan qabto.

Midawga Afrika wuxuu isku dayayaa in uu xal u helo khilaafka, dagaalada iyo kooxaha argagixisada lagu sheego ee gobolka ka jira.

Olusegun Obasanjo, waa 84 jir,soo noqday madaxweynaha Nigeria intii u dhaxaysay sanadihii 1999 illaa 2007.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga