Boeing waxay ugu danbayn aqbashay in ay boqolaal milyan oo dollar bixiso isala markaana mag dhaw loo siiyo dad ku dhintay shil ay gashay mid ka mid ah diyaaradaheeda saddex sanno ka hor.

Adduun lacageed oo dhan $500 million ayay shirkaddu siin doontaa ehelada dadkii ku dhintay diyaaradii Boeing 737 ee horraanta sanadkii 2019 ku burburtay deegaanka Bishoftu ee duleedka magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Waa aqbalaad timi kadib muddo ka badan laba sanno oo shirkaddan ay ku socdeen dacwado kala duwan oo la xidhiidha in ay mag-dhaw siiso ehelada dadkii dhintay.

Lacagta mag-dhawga ah waxa sidoo kale ku jirta lacag la siinayo ehelada dadkii iyagana lagu waayay diyaaraddii isla noocan 737 ahayd ee dalka Indonesia ka duushay sanadkii 2018.

Aduunka la siinayo dadka dhibanayaasha sheegayanaya ayaa la fasaxi doonaa todobaadada soo socda, kadib marka ay kuwa dacwada ku jiraa ka baxaan maxkamadaha.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga