Jarmalka ayaa sanado badan kadib wuxuu qirtay xasuuq uu ka gaystay meelo ka mid ah qaaradda Afrika.

Xukuumadda Berlin waxay qiratay in ay xiligii gumaysiga xasuuq ka gaysatay gudaha dalka Namibia ee koonfurta qaaradda Afrika.

Tobanaan kun oo qof ayaa lagu dilay dalka Namibia horraanta qarnigii labaatanaad iyadoo xaasuuqyo kala duwan dadkaas lagu laayay. Waxa ka masuul ahady dawladdi Jarmalka ee gumaysiga ku haysatay deegaanada Namibia.

Heiko Maas, wasiirka arimaha dibadda ee dalka Jarmalka oo warbaahinta la hadlay Jimcaha maanta ayaa sheegay in dalkiisu uu balaayiin dollaar oo mag dhaw ah misana mashaariic horumarineed ah ay ka fulinayaan gudaha dalka Namibia.

Shacabka dalka Namibia ayuu ka dalbaday in ay cafiyaan.

Afhayeen u hadlay dalka Namibia oo la hadlay wakaalada wararka ee AFP ayaa isaguna xusay in Namibia ay tallaabada Jarmalka u aragto falkii ugu horeeyay ee loo qaaday jiahda saxda ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga