Madaxweyne Trump wali waxa uu aaminsanyahay in uu yahay qofka ku guulaystay doorashada madaxtinimada ee dalka Maraykanka. Guusha uu gaadhay murashaxii la tartamayay ee Joe Biden ayuu is diidsiinayaa, isagoo eedaymo bilaa caddayn ah sii wada.

Afhayeenka Trump ayaa maanta sheegtay in ay bilaabantay kiiska dawadda ka dhanka ah natiijada doorashada madaxtinimada ee kooxda Trump ay maxkamadda u gudbiyeen.

Doorashadu wali may dhamaan, ayay tidhi afhayeenka Trump iyadoo mar kale eedaymo ku shubasho ah u jeedisay Dimuqraadiyiinta.

Joe Biden wuxuu isagu sii bilaabay qorshayaashiisa madaxweyne isagoo u muuqda mid aan dheg u dhigin fariimaha tirada badan ee kasoo yeedhaya Trump.

Inkasta oo kooxaha maamulka doorashadu aanay wali sheegin natiijada rasmiga ah ee doorashada, hadana gobolka Pennslyvania ayaa guusha wayn siiyay murashaxa Joe Biden. Waa gobol uu wali ka samri la’yahay Donald Trump, isagoo dacwad kale ka gudbiyay madaxda gobolka, kuwa doorashooyinka iyo saraakiil kale oo uu ku eedaynayo wax is daba marin.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga