Maraykanku wuxuu joojiyay malaayiin dollar oo uu deeq ahaan u siin lahaa dalka ku yaala bariga qaaradda Afirka ee Itoobiya.

Xukuumadda Washington waxay xanibtay $100 million oo la gaadhsiin lahaa Itoobiya. Waxay sabab uga dhigtay dhaamka wayn ee Itoobiya ay samaysatay oo muran badani uu ka taaganyahay, isla markaana aanay wali ku heshiin wadamada Sudan, Masar iyo Itoobiya oo biyaha webiga Niil intuba ka macaasha.

Maraykanku wuxuu dhexdhexaadinayay dhinacyada biyaha webiga ku muransan, isagoo dhawr jeer isugu yeedhay wada xaajood uu ku damacsanaa in ay heshiis ku gaadhaan.

Dawladda Maraykanka ayaa ka cadhootay tallaabada ay Itoobiya dhaamka ku buuxisay bishii aynu soo dhaafnay, ka hor inta aan la gaadhin heshiis. Xukuumadda Addis ayaa biyo-xidheenka buuxisay, iyadoo aanay wadamadu wali isla qaadan qorshe cad oo ku aadan sida loo kala qaybsanayo biyaha, iyo xadiga ku dhacaya biyo-xidheenka oo ah kan ugu wayn qaaradda Afrika ee koronto laga dhalinayo.

Itoobiya waxay marar badan iska dhego tirtay baaqyada ku wajahan in aanay biyo-xidheenka buuxin. Xukuumadda raysalwasaare Abiy waxay u debaal degtay buuxinta dhaamka. Balse waxa si wayn uga cadhootay Masar oo aaminsan in saamiga ay ka hesho biyaha webigu ay yaraanayaan.

Dhaamka oo ah kan ugu wayn qaaradda Afrika ayaa koronto jaban siin doona in ka badan 65 million oo ka mid ah shacabka Itoobiya. Waxa sidoo kale koronto jaban ka heli doona wadamada Geeska Afrika.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga