Illaa 22 qof oo ay ku jireen caruur ayaa lagu dilay weeraro ka dhacay gudaha waddanka Cameroon, ee ku yaala badhtamaha qaaradda Afrika.

Kooxo hubaysan oo aan la garanayn ayaa weerarada ku qaaday tuulo dhacda waqooyi-galbeed dalka Cameroon. Waxay nolosha ku gubeen dad badan, sida ay Qaramada Midoobay sheegayso, iyadoo kala badh dadka ladilayna ay ahaayeen caruur.

Ciidamada dawladda ayaa lagu eedeeyay falalkan, iyadoo aanay wali dawladdu ka ahdal dhacdada. Dawladda Cameroon ayaa dagaal kula jirta kooxo gooni-u-goosad ah oo raba in ay si iskood ah isku maamulaan.

Madaxweynaha Cameroon ayaa lagu eedaynayaa in uu maamulkiisu ku kacayo falal ka dhan ah xuquuqda aadanaha, iyadoo loosoo jeedinayo in uu wax ka qabto tacadiyada ay samaynayaan ciidamadiisu.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga