Waaxda difaaca Maraykanka ee Pentagon ayaa xaqiijisay inay Iiraan daraasiin gantaallo ah ku weerartay saldhigyo Militari oo kuyaalla ciraaq kuwaas oo fadhiisin u ah ciidamada Maraykanka ee Ciraaq ku sugan.

Gantaalaha, ayay Iran ku weerartay saldhigyada Caynal-Asad oo kuyaalla gobolka Al-anbaar iyo saldhig kuyaal Erbil dalka Ciraaq kadib markii uu Maraykanku gantaal ku khaarajiyay taliyihii ciidanka Quds-ta sida gaarka ah u tababaran ee dalka Iiraan Qaasim Sulaymaani.

Qoraal uu baraha bulshada soo dhigay madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump, ayuu ku sheegay inay socoto qiimaynta khasaaraha iyo dhaawaca ka dhashay weerarrada ay Iiraan ku qaadday saldhigyadan Militari, isagoo xusay inuu soo saari doono bayaan.

Kadib weerarkan ay Iiraan ku qaadday saldhigyada Militariga, ayaa waxaa kor u kacay qiimaha saliidda caalamka, iyadoo werwer ka abuurtay xaaladda bariga dhexe oo sii xumaanaysay.

Raysal-wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay inay Israa’iil weerari doonto cidda soo weerarta iyada marka hore, xilli uu taageero u muujinayay Maraykanka dilka uu dilay Qaasim Sulaymaani.

Dawladda dalka Spain, ayaa iyana sheegtay inay ciidamadeeda kala baxayso ciraaq, arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli gaashaanbuurto NATO sheegtay inay qaar kamid ah ciidamadeed kala baxayso Ciraaq.

Midowga Yurub, ayaa sheegay inay weli baaqi kusii ahaan doonaan heshiiskii dhinaca Nuclear-ka ee ay Iiran la galeen iyadoo Maraykankuna hore u sheegay inuu ka baxay heshiiskaas.

Hoggaamiyaha sare ee dalka Iiraan, Khumayni, ayaa kadib weerarkan ay ku qaadeen saldhigyada Militariga Maraykanka sheegay, inay Maraykanka dhirbaaxeen, Telefishanka qaranka Iiraaniyiinta ayaa ku warramaya in la dilay 80 askari oo Maraykan ah, balse Maraykanka ayaan illaa hadda war rasmi ah soo saarin.

Xaaladda bariga dhexe, ayaa ah mid aad u qallafsan xilligan, waxaana laga dhursugayaa jawaabta uu Maraykanku ka bixin doono weerarradan.

Axmed Maxamuud Yuusuf, Telefishanka Saab, Hargeysa

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga