A member of the Saudi forces stands to a...A member of the Saudi forces stands to attention during a visit by Yemeni Prime Minister Khaled Bahah at the Saudi-led coalition military base in Yemen's southern embattled city of Aden on September 28, 2015. Since Bahah's return from exile on September 16, 2015, his government is conducting the country's business from Aden, and is aiming to reinforce fighters supporting Yemeni President Abedrabbo Mansour Hadi, battling Shiite Huthi rebels in the central region. AFP PHOTO / AHMED FARWANAHMED FARWAN/AFP/Getty Images

Ciidamada Sucuudiga ayaa la wareegay magaalada Caden ee xarunta u ah dawladda ay xulafada Sucuudigu taageerto ee dalka Yemen, sida ilo lagu kalsoonyahay ay u sheegeen wakaalada wararka ee Reuters.

Sucuudiga ayaa raba in uu ka hor tago dagaalo kale oo dhexmara xulafada uu taageero oo awooda ku loolamaya. Ciidamada dawladda iyo maleeshiyaad isla iyaga ka goostay isla markaana ah gooni u goosatada dhanka koonfurta ayaay dagaalo lagu hoobtay ku dhexmareen magaalada Cadan oo ku taala xeebaha koonfureed ee dalkan ay colaaduhu baabiiyeen.

Todobaadkii hore ayuu imaaraadku bilaabay in uu ciidamadiisa kala baxo magaalada Caden, arintaas oo cadayn u noqon karta in heshiis hor dhac ah ay gaadheen labada dhinac ee mar xulafada ahaan jiray.

Imaaraadku waa dawladda ugu xooggan ee dagaalka Yemen ku wehelinaysay xukuumadda Riyaad, waxayna taaeegro siisaa kooxahan gooni u goosadka ah oo la dagaalami jiray kooxda xuutyiinta.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga