Ugu yaraan 178 Falastiiniyiin ah ayay dhaawacyo soo gaadheen, iyadoo cisibitaallada la dhigay 88 kamid ah, kadib markii ciidamada Israa’iil ay xoog ku galeen Masjidka Al-Aqsa ee magaalada Qudus.

Dhacdadani ayaa timi kadib markii kumannaan kun oo qof ay kasoo qayb-galeen, Jimcihii ugu dambeeyay bisha barakaysan ee Ramadaan, halkaasi oo ay qaar kamid ah dadku kusii nagaadeen masaajidka, iyagoo muujinaya dareenkooda ah sida ay uga xun yihiin, la wareegista guryaha dadka Falastiiniyiinta ah ay kala wareegayaan Yuhuuddu.

Ciidamada Israa’iil waxay adeegsanayeen rasaasta caagga ah, sunta dadka ilmaysiisa, iyo bambo gacmeedyada argagaxa dhaliya, waxaana wararku sheegayaan in la xidhxidhay dad aad u badan oo Falastiiniyiin ah.

Haayadaha xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa, ayaa dhaleeceeyay falalka Israa’iil ay ku kacayso.

SAAB TV, isha xogta laga helo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga