Maamulihii Shirkadda Dpworld ee dekedda Boosaaso, Paul Anthony Fermosa ayaa u geeryooday dhaawac ka soo gaadhay weerar subaxnimadii hore ee Saaka ka dhacay dekedda Boosaaso, sida ay saraakiisha Puntland xaqiijiyeen.

Sidoo Kale Weerar Waxaa Ku Dhaawacmay labo ka mid ah ilaalada sarkaalka, iyadoo wararka ay inta ku darayaan in gacanta lagu hayo ninka fuliyay weerarka.

Kooxda al-Shabaab ee ka Dagaalanka Dalka Soomaaliya ayaa sheegatay mas’uulisayada weerarka.

Paul Anthony, oo u dhashay jasiirada Malta ayaa loo magacaabay maamulaha dekedda Boosaaso 12-kii bishii Oktoobar ee sannadkii 2017.

Xukuumaddii hore ee Puntland ayaa muddo 30 sanno ah ku wareejisay maamulka dekedda Boosaaso shirkadda P&O Port oo ay leedahay shirkadda fadhigeedu yahay dalka Imaaraadka Carabta ee DP World.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga