Ugu yaraan 11 qof ayaa lagu dilay halka dad kalana lagu dhaawacay weerar ka dhacay magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka ku yaala Bariga Dhexe ee Ciraaq.

Rag huabysan ayaa bambooyinka gacmaha laga tuuro la eegtay goob ay ku sugnaayeen ciidamada Ciraaq oo ku taala koonfurta magaalada Baqdaad.

Waxay sidoo kale raga weerarka qaaday raasaas huwiyeen ciidamada iyo dadkii ka ag dhawaa, sida ay ku warantay wakaalada wararka Faransiiska ee AFP.

Ciidamada ammaanka ee Baqdaad ayaa kooxda Daacish ku eedeeyay masuuliyadda weerarka, sida lagu sheegay war ay soo saareen booliska deegaanku.

Ma jiro war kasoo baxay dhanka kooxda Daacish, iyo sidoo kale cid sheegatay masuuliyadda weerarada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga