Waxay u debaal dagaysaa sanad guurada 108-daad ee kasoo wareegtay markii ay dhalatay, waxayna heshay hambalyayn tiro badan oo loogasoo diray meelo badan oo caalamka ah.

Dorothy Flowers, oo u dhalatay Ingiriiska, ayaa iyadoo ka waramaysa sirta ka danbaysa in ay muddo badan noolaato, marka laga yimaado qasarka Eebe, waxay sheegtay in ay aad u cuni jirtay chocolate-ka isla markaana ay cabi jirtay cabitaan badan. Chocolate-ka iyo cabitaanada badan ayay sheegtay in ay aaminsantahay in ay horseed u tahay da’deeda oo dheeraatay.

In kabadan 600 oo kaadh oo hambalyo ah ayay heshay tan iyo markii shekadeeda la baahiyay. Mrs Flowers waxay imika ku nooshahay guri lagu xanaaneeyo oo ku yaala deegaanka Harrogate ee gobolka England ee waddanka Ingiriiska.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga