Maxaad samayn lahayd haddii albaabka lagugu soo garaaco oo aad Yaxaas ugu timaado? laga yaabaa in aad u malaynayso in aanad rumaysan karin .

Laakiin dadka ku nool deegaanka Posh Estate ee magaalada Mombasa ayaa arrintan la kulmay ka dib uu markii Yaxaasyo qabsadeen halkaasi .

4 subaxnimo ee maalintii Isniintii ayaa Marttin Nigoa oo ah askari ka hawlagala jidka la yidhaahdo Beach Road Estate ee degmada Niyali , ayaa albaabka lagu soo garaacay , markii uu furey idirada waxba muu arag ,laakiin markii uu dibeda u soo baxay ayuu arkay Yaxaas jaleecaya .

Waxa ay ahayd xaalad taagnayd labaddii toddobaad ee u dambeeyay, ka dib markii ay qabsadeen dhulkaasi Yaxaasyo ka yimi tuuladda Mamba oo uu leeyey xildhibaan hore looga soo dooran jiray degmada Niyali oo la yidhaahdo Hezron Awiti .

Frances Katana oo illaaliya guryaha , ayaa sheegay in Yaxaasyadu soo baxayeen saddexdii maalmood ee u dambeeyay.

Katana waxa uu sheegay in mid ka mid ahi isku qarinayay kayn yar oo guri u dhaw , waxaana meel lagu xanaaneeyo 600 MT u jirtaa guryaha ayYaxaasyadu yimaadeen .

Goor hore oo subaxnimo ah, ayaa qof ka mida dadka deegaanka oo masaajidka ku sii socday, arkay Yaxaas dhir cufan isku qarinaya , waxaana uu sawiro uu ka qaaday ku baahiyey bar-kulan Whatsaap-ka ah .

Katana oo duubay muuqaalada Yaxaasyada, ayaa , ayaa sheegay in dadka deegaanku ay ku khasanaadeen in ay qabtaan Yaxaasyada taasi nafahooda khatar gelisay, ka dib markii ay hay”adda Duur-joogta Kenya ee KSW hore uga jawaabi weyday baaqyo ay u direen.

Maalintii iyo habeenkiiba waa wax caadiya in aad aragto Yaxaasyo , haddii aad albaabkaaga ka soo baxdo

Saraakiil ka socotay hay”adda Duur-joogta ayaa Yaxaasyada dib ugu celiyay meesha lagu hayo.

Hindiya Cali oo tuuladda deganayd illaa 2015 , ayaa sheegtay in ay casbi ka qabto khatar carruurteeda oo Madarasad halkaasi ku taalla dhigta kaga iman karta Yaxaasyada, waxaana ay soo jeedisay in tuuladda loo dhisao derbi ka difaaca Yaxaasyada .

Xildhibaan hore Hezron Awiti oo Yaxaasyada dhaqda , ayaa sheegay in ay xerada ka baxaan oo hadana lagu celiyo, iyada oo aanu dhibaato kala kulmin 38 sanno uu ka shaqaynayay goobaha lagu xanaaneeyo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga