Xildhibaanada xisbiga conservativeka ee dalka ingiriiska ayaa maanta bilaabay in ay soo doortaan cidda bedeli doonta raysal wasaarihii xafiiiska banaysay ee Theresa may.

Cidda loo doorto hogaamiyaha xisbigan imika haya talada ingiriiska ayaa sidoo kale noqon doonta raysalwsaaraha rasmiga ah ee dalka ingiriiska, oo imika la cakiran barnaamijka brexit ee kabixitaanka midawga yurub.

Codaynta ayaa ka socota xarunta aqalka commonska oo ah aqalka hoose ee baarlamanka ingiriiska, iyadoo xildhibaanaduna ay ku codayn doonaan sanduuqyo qarsoon.

Murashaxiinta imika u taagan jagada raysalwsaaraha ayaa dhan 10 murashax. Waxaana meesha ka bixi doona xildhibaan kasta oo waaya ugu yaraan 17 cod wareega koobaad ee codaynta.

Codaynta ugu danbeysa ayaa la qabanayaa todobaadka soo socda, iyadoo markaa la kala saari doono labada murashax ee ugu cod bata inta iskusoo hadha, halka dabayaaqada bidha july-na la ogaan doono shakhsiga ku guulaysta jagadan sida wayn loogu loolamayo.

Boris johson, wasiirkii hore ee arimaha dibaadda dalkan ku yaala galbeedka qaaradda yurub ayaa ah murashaxa loo badinayo in uu noqdo raysalwasaarha xigi doona mrs theresa may.

Johson wuxuu balanqaaday in uu ingiriiska si rasmi ah uga saari doono midawga yurub marka la gaadho bisha october ee sanadkan, hadii la doorto.

Murashaxiinta la saadaalinayo in ay codad badan helaan waxa ka mid ah dominic raab, wasiirkii hore ee arimaha dibadda ingiriiska, sajid javid wasiirka arimaha gudaha, michael gove, wasiirka deegaanka, iyo wasiirka arimaha dibadda jeremy hunt.

Shanta murashax ee soo hadhay oo kala ah, mat hanock, rory stuwart, andrea lidson, mark harper, iyo esther macvey ayaa la filayaa in iyaga ay adagtahay in ay usoo gudbaan wareegyada kale ee doorashada.

Murashaxa soo baxa ayay hor taala shaqo adag oo ay kaw katahay sidii uuu dalka ingiriiska uga saari lahaa yurub inteeda kale, iasgoo heshiis kaga saaraya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga