Isbahaysiga Sucuudiga ee Ka Dagaalama Dalka Yemen Ayaa Xaqiijiyay in Arbacadda Maanta ay Mucaaradka Xuutiyiintu Weerar Ku Qaadeen  Garoonka Diyaaradaha Ee Koonfurta Sacuudi Carabiya.

Turki al-Maliki, oo ah afhayeenka isbaheysiga, ayaa ku sheegay war saxaafadeed uu soo saartay in garoonka Diyaaradaha ee Abha uu ka Dhacay Weerar ay Kusoo Qadeen Mucaaradka Xuutiyiinta,  iyada oo kumanaan rayid ah ay maalin walba ka gudbaan.”

Al-Maliki oo WeerarkanKu Tilmaamay “fal argaggixisannimo”,  ayaa intaas Ku Daray in ugu yaraan 26 qof oo rayid ah, oo ka soo jeeda qowmiyado kala duwan, ay ku dhaawacmeen weerarka.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa sheegatay mas’uuliyadda Weerarka lagu beegsaday garoonka diyaaradaha ee Abha.

Dalka Yaman ayaa waxaa ka socda colaad iyo fowdo tan iyo 2014-kii markii mucaaradka Xuutiyiintu ay dalka intiisa badan Gacanta Ku Dhigeen.

Dhibaatadu waxay sii kordhaysay sannadkii 2015-kii markii isbahaysiga militariga ee Sucuudigu uu bilaabay olole ballaadhan oo loogu talagalay in Mucaaradka Xuutiyiinta Lagaga Xoreeyo Dalka Yemen.

Tan iyo Xiligaas, tobanaan kun oo Yemini ah, oo ay ku jiraan dad rayid, ayaa la aaminsan yahay in lagu dilay dagaalka, halka 14 milyan oo kale ay halis ugu jiraan gaajo, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Sida laga soo xigtay tirakoobyadii ugu Danbeeyay ee Qaramada Midoobay, Yemen ayaa wajaheysa mid ka mid ah dhibaatooyinka bini’aadanimo ee ugu xun dunida, iyada oo in ka badan 10 milyan oo qof ay soo Food Saartay abaaro Ku Dhuftay  Deegaanadii ay Daganayeen. In ka badan 22 milyan oo Kalena ay aad ugu baahan gargaarka bani’aadamnimada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga