Dawladda sucuudi carabiya ayaa ku dhawaaqday in ay iska caabiyeen tiro gantaalo ah oo ay soo rideen  faaloogooyinka xuutiyiintu kuwaasi oo ay ku soo rideen dhawr meelood oo ka mida boqortooyada.

Afhayeen u hadlay isbahaysiga uu hogaamiyo sucuudigu ayaa sheegay in diyaaradaha difaaca gantaalladu  ay ka hortageen todoba gantaal oo ah nooca loo yaqaan (balistic Missiles), iyagoo saddex kamida lagu soo riday magaalada riyadh.

Korneel Turki al-Maliki ayaa sidoo kale sheegay in qof dhalasho ahaan ka soo jeeda waddanka masar uu kindhtey  kadib iswaydaarsiga gantaaladan – waxa aanay noqonaysaa dhimashadii ugu horeysay ee ka dhacda magaalada riyadh tan iyo intii yemen laga bilaabay hawlagalada milatari saddex sano ka hor, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Al Masirah, oo ah tv ay maamusho xuutiyiintu ka dagaalanta waddanka yemen ayaa sheegay

In gantaallo kale ay ku rideen garoomada diyaaradaha ee magaalooyinka Abha, Jisan, iyo Najran oo dhaca  koonfurta sucuudiga.

Muhammad al-Bukhaiti, afhayeen u hadlay xuutiyiinta ayaa sheegay in ay tani   jawaab u tahay duullaanka uu sucuudigu ku hayo magaalooyinka yemen, iyo go’doominta shacabka yemen.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga