Ugu yaraan lix qof oo shacab ah kuna jireen caruur iyo haween ayaa lagu dilay duqaymo ay xulafada uu sucuudigu hor kacayaa ka fuliyeen magaalada sanca ee caasimadda dalka ay colaaduhu baabiiyeen ee yemen.

Tiro intaa ka badan ayay dhaawacyo kasoo gaadheen duqaymaha, oo lala beegsaday aagaga ay dad shacab ahi deganaayeen iyo bar-tilmaameedyo kale oo xuutiyiinta fadhiisimo u ahaa.

Ilaa sagaal xero oo ay lahaayeen xuutiyiinta yemen, ayay xulafadu duqaysay khamiista maanta, sida dad goob-joog ahi ay u xaqiijiyeen wakaalda wararka ee reuters.

Talafishanka masira ee ku hadla afka maamulka xuutiyiinta ayaa tabiyay in lix weerar ay ka dhaceen degmadda arhab ee magaalada sanca. Halka warbaahinta alcarabiya ee afka sucuudiga ku hadashaana ay xuseen, in xulafadu ay qaadeen hawl-galo ay ku curyaaminayaan awoodda kooxda xuutiyiinta, oo sucuudigu uu arko in ay khatar ku yihiin ammankiisa.

Weeraradan ayaa imanaya laba maalmood ka dib markii ururkan ay taageerto dawladda iran, waa xuutiyiinta e’ ay sheegteen masuuliyadda weerar lagu qaaday ceelal shidaal oo ku yaala gudaha dalka sucuudiga.

Dalka yemen ayaa colaad sokeeye cagaha la galay sanadkii 2015-kii, markii xuutiyiinta dalkaasi ay weerar ku qabsadeen magaalada caasimadda ah, iyo deegaano kale oo badan.

Dagaalada ayaa kusoo laabtay maalintii shalay ahayd magaalda dekedda leh ee xudayda oo muhiim u ah badeecaadaha u taga shacabka yemen oo malaayiin ka mid ahi ay macaluul u dhimanayaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga