Xog-hayihii hore ee Qaramada oo ku guuleystay mar abaal-marin Nobel Peace Prize ayaa ku geeriyooday da’da 80 sano Sabtidii maanta.

Annan ayaa noqonaya qofkii ugu horeeyay oo madow ah oo gaadha jagada ugu sareysa ee Diblomaasiyada caalamka intii u dhaxeysay sanadii 1997- 2006.

kale Kofi Annan ayaa sidoo kale noqday ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Suuriya, isagoo hogaaminayey dadaalka ku saabsan sidii xasaradda dalkaas ka taagan xal loogu heli lahaa.

Kofi Annan ayaa ka qeyb qaatay nabadeynta iyo xal u raadinta dalal badan oo caalamka oo ay ka dhaceen qalalaase siyaasadeed iyo mid bani’aadannimo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga