Saynisyahano ka tirsan wakaalada hawada sare ee dalka maraykanka iyo hay’adaha cimilada ayaa xog-ururin ay sameeyeen ku ogaaday in celceliska Cimilada dhulka ee sanadkii dhammaaday ay kor u kacday, taas oo ka dhigtay sanadkii Afraad ee ugu kululaa Taariikhda Dunida Muddo Gaadhaysa 140 Sanno.

Xog-ururinta la sameeyay ayaa tilmaamysa in shantii Sanno ee ugu Danbeeyay ay Yihiin Kuwii ugu kululaa ee la Diwaangaliyo taariikhda caalamka, iyadoo intaa ku daraysa in 18-kii sanoo ama 19-kii sanno ee ugu kululaa caalamku ay ahaayeen lagasoo bilaabo sanadkii 2001-dii illaa sanadkii dhamaaday ee 2018.

Heerkulka sida dhakhsaha ah hoos ugu kacayay Rubuc Qarnigii lasoo dhaafay, ayaa Cimilada Dunida ka dhigay mid sii kululaata maalinba maalinta xigta, Arintaas oo loo Sababaynayo Ficilada ay Bini’aadamku Qabtaan, ee ay ka mid yihiin Warshadaha Tirada badan ee Wadmada Horumaray ay samasteen Kuwaas oo gaas badan Hawada kusii daaya.

Cimilada diiraysa waxa barbar socda Qabow aan hore loo arag oo xiliga jiilalka ka dhacaya inta badan Wadamada Caalamka. Tusaale ahaan Somaliland, ayaa jiilaalkii kan ka horeeyay uu ka dhacay Qabow aad u badan oo dad badani ay sheegeen in aanay mid noociisa ah arag, taas oo Qayb ka ah Cimilada Dunida ee isbedelaysa.

Heer Kulka sare u kacaya ayaa saamayntiisa laga arkay badi dunida sida Mawjadaha kulaylka ah ee lagu arkay dalka Australia, abaaro tiro badan oo ka dhacay meleo badan oo Calamka ah sida dhulka soomalida, Fatahaado iyo waliba barafka fadhiya cidhifka koonfureed ee dunida oo maalina maalinta ka danbaysa dhalaalaya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga