Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Waddani Ayaa Sheegay In Ay Kalsoonidii Kala Noqdeen Guddida Doorashooyinka Somaliland,Isla Markaana Soo Jeediyey In La Kala Diro Komishankaasi.

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaradka Ah Ee Waddani C/Raxmaan Maxamed C/Laahi Cirro Ayaa Sheegay In Qoraal Ay Kaga Hadlayeen Dhaliilihii Ay Ku Arkeen Doorashooyinkii Dhacay Ay U Gudbiyeen Madaxweynaha Somaliland.

Dhinaca Kale,Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Ucid Eng;Faysal Cali Waraabe Ayaa Isagu Sheegay In aanu Arrintaasi aanu La Qabin,Isla Markaana sheegay In aanay Jirin Khalad Ka Dhacay Doorashadda,

“Markii Tirada Socotay Ayey Ahayd Inay Sheegaan Oo Ay Tilmaamaan Wixii Khalad Ah Ee Jira , Hadii Ay Na Taabsiiyaaan Wixii Khalad Ah Ee Jira Anaguba Maanu Ogalaanayn In Lagu Dhowaaqo Natiijadda, Laakiin Maanta In La Sheego Waxa Ka Muuqda Habsan Badan, Marka Wax La Bedelayaa Ma Jirto Ee Baarlamaanka Iyo Dawladaha Hoose Ayaa La Bedelayaa.”

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga