Waxay si wayn u dhaliileen madaxweyne trump, iyagoo saluugsan siyaasadihiisa ku wajahan arimaha qaxootiga.

Afartan gabdhod oo katirsan aqalka hoose ee baarlamanka maraykanka ayuu trump usoo jeediyay in ay ku laabtaan meelihii ay ka yimaadeen, Balse shir-jaraaid oo si wada jira ay u qabteen ayay ku sheegeen in hadalada cunsuriyadda ah ee madaxweyne trump aanay waligood ka hor is taagi doonin in ay tooshka ku ifiyaan.

Waxa ay ugu yeedheen maamul-xumada trump. Oo ay si gaar ah farta ugu fiiqeen, dadka muhaajiriinta ah ee lagu hayo xarumaha ku yaala xadka maraykanku uu la lee yahay mexico, arimaha caafimaadka, waxabarashada iyo arimo kale.

Xildhibaaanada kala ah, ilhan cumar, alexandria cortez, ayana pressley, iyo rashida tlaib, ayaa hadalo kulul ku duray madaxweyne trump. Iyagoo xusay in hadaladiisu ay ka markhaati kacayaan siyaasadihiisa aan la mahadin ee Maraykenka u horseeday dhibaatooyin badan oo maanta ka jira, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Xildhibaan ayaana tusaale usoo qaadatay, qiimaha dawooyinka ee kor u kacay, dhibaaooyinka hubka, iyo reeraha uu kala kaxeeyay maamulka trump.

Afarta gabdhood oo kawada tirsan xisbiga dimuqraadiga ayaa daba socday hadalo Loogu tilmaamay cunsuriyad oo madaxweyne trump uu si jamac ah ula badheedhay. Maalmihii axadda iyo isniinta.

Trump wuxuu xildhibaanadan u sheegay hadii aanay ku qanacsanayn sida uu wax u wado, in ay ku laaban karaan wadamadoodii, taasina ay tahay wax iyaga u yaala.

Hadaladiisa ayaa cambaarayn xoogan kala kulmay, siyaasiyiinta labada xisbi ee maraykanka, iyo qaar ka mid ah madaxda caalamka.

Shirkadda twitter ayaa loosoo Jeediyay in ay Hawaada ka saarto barta uu trump ku leeyahay Twitterka, balse wali fariimihiisa oo cunsuriyadi ka muuqato ayaa ku jira Akoonkiisa.

Xildhibaandan ayaa ku dhshay gudaha maraykanka, marka laga reebo ilhan cumar oo somalia ku dhalatay. Waxay tan iyo markii la doortay dhaliilaeen maamulka maaxweyne trump, isagoo trump,na imika u muuqda mid u adkaysan kari waayay dhaliilaha afartan gabdhood.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga