Xildhibaano Ka Tirsan Xisbiyada Dimuqraadiga Iyo Jamhuuriga Ayaa Golaha U Gudbiyay Mooshin Xukuumadda Lagaga Dalbanayo Inay Joojiso Ka Mid Ahaanshaha Dagaalka Sucuudigu Ka Wado Dalka Yemen.

Sharcigan Ayaa Ku Baaqaya Inuu Maraykanku Joojiyo Dagaalkan Ay Fadeexaddu Hadhaysan Ee Lagu Burburinayo Dadka Iyo Dalka Yeman.

Haddii Sharcigan Uu Meel Maro, Waxa Uu Dhabarka Ka Jabinayaa Kooxaha Sucuudigu Hoggaamiyo Ee Dagaalka Ku Haya Shacabka Yemen.

Dagaalka Yemen Ayaa Socday Tan Iyo Sannadkii 2014-kii Waxaana Ku Dhintay Dad Gaadhaya 9000 Oo Qof Halka Ay Ku Dhaawacmeen Daraasin Kale.

Dagaalka Ayaa Waxa Ku Guryo Waayay Dad Badan Oo Reer Yemen Ah, Waxaa Kale Oo Uu Dalka Galiyay Macaluul Gaadhay Heerkii U Danbaysay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga