Xildhibaannada Aqalka Sare Somalia Ayaa Kulan Ay Maanta Yeesheen , Waxay Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyeen In Shirkadda Dp World Dalka Soomaaliya laga Caydhiyo.
Waxaa Ogolaaday Xeerka 28 Ka Mid Ah Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare 6 Ka Mid Ah Xubanaha Aqalka Sare Ayaa Diiday Halka 2 Mudane Ay Ka aamuseen, Taasi Oo Ka Dhigan In Kulanka Ay Soo Xaadireen 36 Xildhibaan.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/Laahi Ayaa Warbaahinta U Sheegay In Xeerkan Uu Ka Gudbay Golaha Aqalka Sare Wixii Hada ka Dambeeyana Uu U Gudbay Madaxweynaha Soomaaliya.
Xildhibaanada Golaha Shacabka Ayaa Isniintii Sharci Daro Ku Tilmaamay Heshiisyadii Ay Shirkadda Dp World la Gashay Somaliland,
(Waxaa Ka Waramaya Wariyaha Saab Tv Muqdisho Maxamed Yaxye Jiinow)